WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Xaalad Dagaal oo ka taagan Xeebaha Puntland iyo Maraakiib Dagaal oo lasoo dhoobay-Video

Sida ay shaacisay Hay’adda kor kala socota howlaha Burcadbadeeda waxaa Xeebaha Soomaaliya soo gaaray Maraakiib dagaal oo laga leeyahay  Spain,France iyo Italy.

Maraakiibtaan ayaa waxa ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo la sheegay in dib usoo laabatay khatartooda.

Sidoo kale Maraakiibtaan ayaa si weyn u ilaalin doona Xeebaha Soomaaliya iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya badweynta Hindiya.

Maraakiibtaan ayaa waxaa ka dul haadaya diyaarado  Helicoptero ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sarkaal Sare oo u hadla Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay tahay wax laga Argagaxo dhacdadii dhawaan ay geysteen Kooxaha Burcadbadeeda ee aheyd Afduubkii ay u geysteen Markabkii ARIS 13.

Waxaana uu xusay in ay muhiim tahay in la qaado tilaabooyin cadcad oo looga baaqsanaayo Kooxaha Burcadeeda Soomaalida.

Waxaa uu Farxad ku tilmaamay in xorriyadooda ay dib u heleen Shaqaalihii Markabkaasi saarnaa.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay Cabsida laga qabo Kooxaha Burcadbadeed ah ee ku sugan degaanada maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top