WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Ciidamadda Soomaliland oo laba Haween ah ku toogtay Bartamaha Magaalada Laascaanood iyo Mudaharaad ka socda-Sawiro

Laascaanood (Horufadhi News)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa sheegaya in Ciidamadda Maamulka Soomaliland ay goor dhawayd ku toogteen Laba Haween ah Bartamaha Magaalada Laascaanood gaar ahaan aaga Gooladda.

Sida uu noo xaqiijiyey goobjooge ku sugan magaalada Ciidamadda Somaliland ayaa Bartamaha Magaalada ku toogtay laba Haween ah oo kamid ah Hooyooyinka ka ganacsada Caanaha ,kadib isku dhac dhexmaray Haweenka Caanaha iibiya iyo Ciidamadda Somaliland.

Isku dhaca ayaa yimid markii Ciidamadda Soomaaliland oo wata Baabuur Qabaal ah ay ku hor gooyeen Haweenka Caanah ku iibiya Bartamaha Magaalada kadibna ay Haweenku codsadeen in Gaadhiga ay Ciidanku ka hor qaadaan isla markaana waa ay diideen Ciidamadii in ay Gaadhiga ka qaadaan halkaasna waxaa ka dhashay Gacan qaad dhexmaray Ciidanka iyo Dhalinyaro iyagu ka cadhoday Falka ay ku kaceen Ciidanka Somaliland taas oo keentay in Ciidamadda Soomaaliland Toogtaan laba Haween ah .

Wararka ayaa intaas ku daraya in Labadii Haweenka ahaa ay hadda lagu dabiibayo Cusbitaalka Manhal kadib dhaawac Halis ah oo kasoo gaadhay Rasaasta ay ku fureen Ciidanka Somaliland.

Ciidamadii falka gaystay ayaa goobta ka baxsaday kadib markii shacabku ku kaceen waxaana la sheegayaa in lagala hadhay Laba qori oo nooca loo yaqaan AK47 ka ah.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa haatan aad u kacsan waxaana guud ahaan magaalada inta badan ka soconaya Mudaharaado isku mowqif balse magaalada qaybaheeda kala duwan ka kala socda kuwaas oo ay abaabuleen Haween iyo dhalinyaradii Magaalada oo aad uga cadhooday falkan foosha xun ee Ciidamada Maamulka Somaliland Sameeyeen.

Gaadiidka Dagaalka ee Ciidanka Soomaaliland ayaa soo dhoobtay suuqyada Magaalada waxaana Wadooyinka lagu Gubayaa Taayiro Muuqaalo na soo gaadhaya ayaa muujinaya Ciidanka Soomaliland oo Rasaas nool ku kala caydhinaya Banaanbaxayaasha .

Wixii warar ah ee kasoo kordha Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top