WARARKA SOOMAALI

Xaalada Laascaanood oo kacsan iyo Soomaliland oo diiday in dhaawaca loo qaado Garoowe-Sawiro

Laascaanod (Horufadhi News)- Waxay ahayd abaaro 9:30 Am ayaa bartamaha Suuqa magaalada Laascaanood ka bilowday rabshado kuwaa oo sababay in Laba dumar ah uu dhaawac soo gaadhey kadib markii Ciidamada maamulka Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen suuqa weyn ee magaalada Laascaanood gaar ahaan Bartamaha Magaalada halka Haweenka Caanaha iibiya Fadhiistaan.

Goob-joogayaal ayaa ii sheegay in rabshadu bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen Askar Soomaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey Baabuur nooca raaxada ah.

“Laba Baabuur ayaa Suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen Ciidamada Soomaliland kadib Wiil Baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen Wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii Suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, Ayuu yidhi Goobjooge Magaciisa diiday in uu xuso.

Labadan Hablood ayaa magacyadoodu kala yihiin: Sacdiya Xirsi Cabdilaahi iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale waxaana  hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal ee Magaalada Laascaanood halkaas oo ay iskugu tageen Boqolaal shacab ah.

Shacabka ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo ku waasoo rasaas ridey iyaguna waana ta sababtay in Ciidamadii Soomaliland yaacan iyagoo ka cararay hal qori oo nooca AK47 ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin kabo kuwa Askarta ah oo qaar kamid ah Askartu haleeli waayeen inay qaataan.

Laba qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey Cusbitaalka Manhal Hospital  waxaana la ii sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo ilaa hada.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta Caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Somaliland uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale , Waxaa jira iyana kacdoon xoogan oo dhinaca shacabka kuwaa oo markii danbe isu bedelay in laamiyada la gubo .

SOMALI NEWS

To Top