WARARKA SOOMAALI

Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo hadda ka socda Duleedka Gaalkacayo,Deegaanka Cali-Waal…

Dagaal Xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka socda bariga gobalka Mudug, gaar ahaana halka lagu magacaabo Cali-waal, sida ay xaqiijiyeen dad sheegay iney maqlayaan hubka culus ee labada dhinac ay isu adeegsanayaan.

“Dagaalka Bariga Galkacyo (Cali -waal ) ka socda dhiig iyo dhaqnba waa baabi’inayaaye Ilaahay ha naga qaboojiyo, dhinacyada ku diriraya degaankaas xabbaddu xal maaha, ha la joojiya, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland hawl nabadeed arrinkaas ka gala. “ayuu yidhi mid kamid ah madaxda dhaqanka oo ka hadlay.

Colaada u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug ayaa ah Mid soo Noq-noqotay, waxaana Jiray  Heshiisyo loo gaadhay Kuwaasi oo aan dhaqan gelin.

 

SOMALI NEWS

To Top