WARARKA SOOMAALI

Dagaal Beeleed maanta ka Qarxay Deegaanka Adhi-cadeeye Dhimasho iyo dhaawac

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed Maanta ka bilowday deegaanka Adhicadeeye ee Gobolka Sool, Kaasi oo u dhexeeya Laba beelood ah oo Halkaasi wada dega.

Sida ay Wararku sheegayaan 1 Qof ayaa geeriyootay , Kuwa  kalena way ku dhaawacmeen  inta la ogyahay, kadib dagaal saaka ka qarxay degmada adhicadeeye oo 30km dhanka waqooyi kaga aadan magaalada laascaanood.

Dagaalka ayaa weli socda mana jirto cid ilaa iyo hada kala dhexgashay labadaasi dhinac, Wuxuuna kusoo Beegmayaa Iyadoo Maalmihii udanbeeyey ay degaankaas isku horfadhiyeen ciidamo beeleedyo halkaasi wada dega kuwaasi oo uu udhaxeeyey muran la xidhiidha dhanka deegaanka.

Waxaa Nasiib daro ah in Waqooyiga Gobolka Sool uu maanta ka Bilowdo dagaal Beeleed, Xili Colaadii Koonfurta Gobolka Sool oo ay ku Nafwaayeen in ku dhow 80-Ruux dhowaan lasoo Afjaray dadkana la doonayey inay ku Cibro Qaataan dhaxalka Dagaalka oo Wax Micno ah ku Fadhiyin.

Wixii warar ah ee kasoo Kordha Insha Allaah Halkan kala soco

SOMALI NEWS

To Top