WARARKA SOOMAALI

Dad hor leh oo Abaar darteed ugu dhintay degaano ka tirsan Somalia iyo qeylo-dhaan…

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka ugu dhintay gobolka, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba’an ku hayso deegaannada gobolka.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay saameysay abaarta kaddib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta.

Dhawaan ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in bisha May ee sanadka soo socda 7.7 milyan oo qof Soomaaliya ku nool ay kaalmo bani’aadanimo doonaan.

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa weli kajira abaaro baahsan, kuwaas oo saameeyay dad iyo duunyo, iyada oo aysan jirin gurmadyo xoogan oo dadka loogu gurmanayo.

Dad hor leh oo Abaar darteed ugu dhintay degaano ka tirsan Somalia iyo qeylo-dhaan…
To Top