WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada Galmudug oo diiwaan-geliyey Taliye Ciidan iyo xubno kale

Guddiga hirgalinta Doorashada ee heer dowlad goboleed Galmudug ayaa diiwaan geliyay qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa kuraasta ugu horeesa ee doorashada ee ka dhaceysa Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Xubnaha guddiga doorashada Galmudug diiwaan galiyeen waxaa ku jira Xubno kuraasta lagu tartamayo qaarkood horey ugu fadhiyay iyo xubno kale oo iyana sanadkan doonaya in kuraastaasi qaarkood ku tartamaan kuna guuleestaan.

Musharaxiinta isku diiwaan galisay Doorashada ka dhaceysa Galmudug waxaa ku jira Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ahna taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir Yaasiin Farey.

Kursiga uu ku tartamayo Yaasiin Farey ayaa musharaxiintii kula tartamo laheyd qaarkood sheegeen in kursigan la boobayo ayna dooranayaan ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugida oo diyaarado looga qaaday maagaalada Muqdisho.

Doorashadsa ka dhaceysa Galmudug ayaa durba lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa, waxaana Xubnaha kusoo baxaya magaalada geesteen Musharaxiin malxiis ah iyo ergo iyagu soo qorteen kuwaa oo la filayo in codka ugu shubaan.

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada Galmudug oo diiwaan-geliyey Taliye Ciidan iyo xubno kale
To Top