WARARKA SOOMAALI

Wasiiro uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta la dhaariyey, una Guddoomiye…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FS Cabdisaciid Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa Munaasabad ka dhacday  Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa waxaa loogu dhaariyey xilka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirrada oo uu dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa waxaa munaasabadda dhaarintooda ka qayb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrinaha Dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, una rajeeyey in Eebbe u fududeeyo gudashadeeda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirsaaq Maxamuud, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdisaciid Cali Muuse.

Wasiiro uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta la dhaariyey, una Guddoomiye…
To Top