WARARKA SOOMAALI

Dab ka kacay Bakhaar Hubka lagu keydiyo oo ku yaala Gobolka Mudug

Gaalkacyo (HM)-Wararka ka imaanaya deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu gubtay baqaar hubka lagu keydiyo oo ku yaala saldhiga dhexe ee deegaankaasi.

Dabka ayaa bilowday waaberigii saaka, waxaana lagu waramayaa inaan la ogeyn waxyaabaha ka dambeeyay inuu dabka ka kaco qol ku dhex yaala saldhiga deegaanka Docol ee gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Docol Axmed Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo lala tacaalayo daminta dabka ka kacay qeybta keydka hubka ee saldhiga deegaanka.

Wuxuu sheegay inaysan heysan dab damis wanaagsan oo ay dabka ku daminayaan, waxaana dabka uu faafay kadib markii laga baqay in hubka qolka ku jira ay qaraxyo sameeyaan.

Cabsi xoogan ayaa deegaanka ka jirta, waxaana socdo dadaalo ay wadaan dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Docol ee gobolka Mudug.

Axmed Xuseen, wuxuu sheegay in hal ruux oo waxyeelo ay dabka kasoo gaartay loo qaaday magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu daaweeyo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

SOMALI NEWS

To Top