WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Murugada Qoyskii Cunugooda yar lagaga xaday Cusbitaalka SOS ee Muqdisho oo hadlay-Video

Muqdisho ( HM ) Maamulka Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS ee ku yaala degmada Huriwaa ayaa war ka soo saaray canugii ku dhashay isbitaalka ee la shalay gelinkii dambe la xaday.

Canugan oo ahaa Wiil  jira 24-saacadood, iyadoo uu khamiistii ku dhashay isbitaalka, isla markaana shalay jimcihii laga xaday isbitaalka, xilligii Salaadii maqribka.

Agaasimaha Isbitaalka SOS Dr. Maxamed Macalin Dhaqane ayaa sheegay dhacdadan aanu isbitaalka wax shaqo ah ku laheyn, waxaana uu xusay in markii ay sameeyeen baaritaan ku ogaadeen in canuga ay xaday gabar la socotay hooyada dhashay.

Waxaa uu sheegay in xilliga Isbitaalka la keenayay iyadoo fool aheyd ay la socdeen Hooyada dhashay ninka qaba, gabar walaasheed iyo gabar kale, waxaana uu caddeeyay, markii salaadii maqrib la aaday looga tagay gabadha, iyadoo hooyada dhashay sariir saarneyd oo ay huruday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Hooyo Xaawo Maxamed Maxamud oo Wiilkeedu dhalay Ilmaha yar ee la Xadhay ayaa sheegtay in Haweenayda Cunugeeda Xaday ay ku aragtay oo keliya Cisbitaalka, Islamarkaana ay Inta ay tukanaysay  Salaadda Maqribka ay xaday ilmihii yaraa, Waxayna sheegtay inaysan ka bixi doonin Cisbitaalka SOS Inta laga helayo Cunugeeda islamarkaana ay u haysato Cisbitaalka.

SOMALI NEWS

To Top