WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xusni Mubaarik oo 6 Sano kadib maanta Xabsi laga sii daayey iyo Xaaladiisa Caafimaad-Video

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray, Waxaana lagu hayay Isbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto balse ay filayaan in saacadaha soo socda la fasaxo.

SOMALI NEWS

To Top