Saleebaan Ciise Axmed oo Wasiirka Caafimaadka ugu magacaaban maamulka Somaliland ayaa soo gaadhay magaalada Buuhoodle isagoona Halkaasi ka helay taageeroyaal, Kadib Gurmadkii uu deegaanka ka Sameeyay Xiligii ay Xaalada adag ka jirtay.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Dhinaca kale wuxuu Weerar ku qaadya maamulka Punltand, Isagoona waxba kama Jiraan ku tilaamay Hadalo uu dhowaan Warbaahinta Mariyyey Cabdixakiin Camey iyo Xubno ka socday Puntland oo dhinaca Xuduudka Itoobiya kasoo galay Buuhoodle, Wuxuuna Itoobiya ka codsaday inay deegaanka ka qabto Xubnaha kasoo gelaya Xadkooda.
Shacabkii Halkaasi ku sugnaa ayuu Waydiiyey in Xubnaha Puntland ka socda loo Fasaxo Cisbitaalka Buuhoodle, Iyagoona diiday in loo Fasaxo, Maadaama ay yimaadeen deegaanka Xili la roobsaday oo dadkiina inta badan ay Bogsoodeen, Sida uu hadlka u dhigay.
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ku wada Sugan Madaxda Maamulka khaatumo, Xubno ka socda Puntland, Somaliland, Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Hay’ado kala duwan Iyadoona Cidkasta ay Kulamadeeda si Nabad-gelyo ah ku Qabsato.
Wararka Horufadhi.com