WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xaalad adag oo ka taagan Degmada Widhwidh Xanuunka Shuban Biyoodka 102 Qof oo u jiifa iyo Wararkii ugu-Video

Degmada Widhwidh oo ka tirsan Gobalka Cayn isla markaana kamid ah Deegaanada sida aadka uu uga dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka ayaa hada ku sugan xaalad aad u adag kadib markii ilaa isbuucan ay xaaladu aad uga soo dartay isla markaana ay koradhay tirada Dadka ah ee uu soo ridanayo xanuunka Halista badan ee Shuban Biyoodka oo Bilahanba faro kulul ku hayay deegaanada kala duwan ee Gobalka Cayn.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dr Faarax Coomaade oo kamid ah Dhakhaatiirta faro ku tiriska ah ee ka howl gala degmada Widhwidh ayaa warbaahinta uga waramahay xaalada adag ee ka taagan degmada widhwidh iyo deegaanada kuh xeeran ee Baadiyaha ah.

Dr Faarax ayaa xaalad khatar ah kasoo sheegay Degmada kadib markii ilaa shalay ilaa saaka Dadka Xanuunku uu soo ritay ay kor u dhaafeen 120 Qof oo halka laba ruux oo dadkaas kamid ah ay geeriyoodeen kuwa kalena xaalad adag ay ku sugan yihiin.

Degmada kama jiraan Goobo Caafimaad oo Bukaanada aadka u liita la tacaali kara marka laga reebo Goobo yaryar oo daawooyin iyo gargaarka deg deg ah mooyaane ma jiraan goobo dadka Xaaladoodu adag tahay lagu dabiibi karo.taas oo keentay in tirada xanuunku soo ridanayaa kor u kacdo kuwa ka roonaanayaana ay hoos u dhacaan.

Dadku waxay Umadda Soomaaliyeed Jaaliyadaha Deegaanka iyo Guud ahaan Dadka Muxsiniinta ugu baaqayaan in Gurmad deg deg ah laala gaadho Dadka xaaladoodu adag tahay iyo xanuunka oo si deg deg ah u faafaya uguna fidaya deegaanada kala duwan ee ku xeeran Buhoodle.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top