WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Booqasho ku jooga Laascaanood iyo Warbixin Murugo leh Barakacayaasha Siixowlle-Video

Wariye Samafalle Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waxbixin Qiiro badan ka diyaariyey Deegaanka Suuxowlle oo Duleedka Laascaanood ah halkaas oo ay xeryo Qaxoonti ka dhisteen Kumanaan shacab ah kuwaas oo Xoolohoodii ku dhaafeen abaartii Xumeyd ee Sanadka ku dhufatay dhulka Soomaalidu Degto.

Wariye Coldoon oo Socdaal shalay kusoo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo uu sheegay in tahay markii ugu horeysay ee uu Laascaanood yimaado ayaa Buuqdo meelo kala duwan oo ay ugu horayso xeradaas Barakacayaasha wuxuuna gaadhsiiyey Lacag 2000$ Doller taas oo uu sheegay in ay walalo soomaliyeed Dalka Dibadiisa uga soo dhiibeen isla markaana Afur ahaan uu ugu tala galay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top