WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qarax Culus oo ka dhacay Kismaayo iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan-Video

Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax Saaka ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaraxan oo ahaa mid lagu aasay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo gadaashiisa, ayaa waxaa ku dhaawacmeen Saddex ruux sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland, ayaa Warbaahinta u sheegay Saddexda ruux ee dhaawacantay in la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu Magaalada Kismaayo ku wajahan yahay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafti uu Hogaaminayo lama oga in uu ilaa hada gaadhay magaalada oo Xiisad kacsanan ah ka taagan tahay balse waxaa la xaqiijiye safarkiisa Kismaanyo.

Wararka Horufadhi.com

 

SOMALI NEWS

To Top