WARARKA SOOMAALI

Daawo:Warbixin dheer yaa ku guuleystay Doodii xalay dhexmartay Sadexda Musharax ee Xisbiyadda Maamulka Somaliland-Video

Habeenkii xalay waxaa dood fool ka fool ah isugu yimid saddexda Musharax ee u tartamaya xafiiska Madaxweynaha ee maamulka Somaliland, waxaana ka Qayb galay Cabdiraxmaan Cirro ( Xisbiga Waddani ) Faysal Cali Waraabe (Xisbiga UCID) iyo Muuse Biixi Xaaji Cabdi  (Xisbiga Kulmiye )

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dooda waxaa soo qaban qaabiyey urur lagu magacaabo Inspire Group, waxaana laga daawanaayey caalamka oo dhan, Dooda ayaa u qaybsaneyd laba qaybood, waxaana ay u badneyd su’aalo la xiriira, Habka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, Siyaasadda arrimaha dibadda iyo maalgashiga,  Aqoonsi raadinta, iyo wada hadalkii Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Ma jirin farqi weyn oo u dhexeeya musharixiinta marka ay soo gudbinayaan waxqabadkooda iyo waxay Somaliland ka beddalayaan haddii xafiiska loo doorto.

MUUSE BIIXI CABDI :  Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa doodiisu u badneyd in uu difaaco dhaxalkii iyo waxqabadkii Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu u muuqdey Muuse Biixi Madaxweyne xilka haya oo mar labaad xafiiska u tartamaya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ku doodayey in uu waayo arag yahay labada musharax oo kaleba dalka uga waayo aragsan yahay, waxaana uu markasta doodiisa ku soo xira barnaamijkayagu waa socdaa ee maaha waxbaan hindiseynaa. Sidoo kale waxa uu isu muujinaayey in uu yahay musharaxa keliya ee ku ad adag qaddiyadda Somaliland, meelna ku xiri kara Dowaldda federaalka.

FAYSAL CALI WARAABE : Musharaxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa habeenkii xalay u aahdy goob uu kaga cadgoosto Cabdiraxmaan Cirro oo horey ay u wada dhisteen Xisbiga UCID isku dalna muddo dheer ku nolaayeen, waxana doodiisu u badneyd in uu weerar ku qaado labada Musharax inkasta oo si qaawan u weeraray Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Faysal Cali Waraabe ayaa dad badan aaminsan yihiin in doodiisu aysan ka tarjumeyn waaqaca yaala Somaliland, sida marka uu lee yahay waxaan sameyn Universal Health Care oo aad loogu yaqaano doorashooyinka Maraykanka.

CABDIRAXMAAN CIRRO : Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ku dooday in labada musharax ee kaleba uu siyaasadda ka badiyo, dalkana nidaam xasilooni ah ku hoggaamin doono.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalka uu oranaya si weyn uga fiirsanaya ayaa doodiisu u badneyd in uu waxba ka kama jiraan ka soo qaado waxqabadkii Kulmiye, waxaana uu soo bandhigey nidaam Somaliland horumar ku gari karto.

Cirro oo marar badan labada musharax ee kaleba ay weerar ku qaadeen ayaa si deggan uga jawaabey, halka qaar kale aanu waxba ka soo qaadin.

DHALIILAHA DOODU LAHAYD :  Dooda loo qabtey Musharixiinta Madaxweynaha Somaliland ayaa lahayd dhaliilo dhawr ah, kuwaas oo isugu jira kuwo farsamo iyo kuwo shaki la gelin karo ninka hagaayey dooda qaybteeda labaad.

  1. Daadihiyaha dooda ayaa ula dhaqmey Musharixiinta sida ay yihiin Robot ama Mashiin, ma jirin wax dhexgal ah, qofka si shakhsi ahaan ah loo weeraro awood uu isku difaaco ama uu ku jawaabo ma lahayn.
  2. Daadihiyaha barnaamijka ayaa ladhihi karaa waxa uu qaatey wakhti badan, kadib markii su’aal kasta uu ku soo celiyo saddex jeer oo isku mid ah, taas oo laga maarmi karey.
  3. Ma jirin su’aalo shakhsi ah oo si gaar ah loo weydiiyo Musharixiinta iyada oo la raacayo sooyaalkiisi siyaasadeed, su’aaluhu waxay ahaayeen kuwo lawada weydiinayo Musharixiinta
  4. Waxaa shaki la gelin karaa in Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe isku ogaayeen in ay si wada jir ah oo isu jiibin ku jirto ay u weeraraan Cabdiraxmaan Cirro.
  5. Waxaa shaki la gelin karaa sababta daadihiyaha dooda qaybta labaad uu su’aalaha kala duwanaanshaha ee halka daqiiqo ah markasta ugu hormarinaayey Cabdiraxmaan Cirro, halka uu ku soo xiro Faysal Cali Waraabe oo si shakhsi ah u weeraraayey Cabdiraxmaan Cirro.
  6. Ma jirin fursad Musharixiinta la siiyey oo ay su’aalo dhexdooda isku weydiin karaan.

AMAANTA DOODU LAHAYD : Dooda loo qabtey Musharixiita Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu amaani karaa sida sharafta leh ee Musharixiintu uga qayb qaateen, sida ay wakhtiga u dhawrayeen, sidoo kale ka soo qaybgalayaasha ayaa si weyn u ilaaliyey shuruucda dooda waxaana ay ku dhacdey jawi deggan, waxaa lagu amaani karaa in ay tahay tallaabo kale oo dhanka Dimoqraadiyadda ay Somaliland u qaadey.

YAA GUUSHU RAACDEY : Ma jirin su’aal guud oo ka soo qaybgalayaashii ama daawadayaashii barnaamijka la weydiiyey, taas oo ku saabsan qofka ay arkaan in uu ku guuleystey doodii  loo qabtey musharixiinta.

Muuse Biixi Cabdi waxaa wakhtigu uga dhamaadey sida uu u difaacayey waxqabadkii Siilaanyo, ma jirin aragti cusub oo uu la yimid.

Faysal Cali Waraabe isaga habeenkii xalay waxay u ahayd mid aargoosi, waxaana doodiisu ahayd sidii isaga oo u tartamaya dalka Finland ee uu dhalashadooda haysto, mararka qaar waxa uu ahaa  nin soo min guuriyey siyaasiyiinta Socialist ah ee reer Galbeedka, waxa uu si weyn ugu ciil baxay wixii uu qabey, maadaama Somaliland ay yihiin beelo oo ololaha doorashada nidaamka beeluhu hareeyey isaguna u muuqdo in beeshiisi xitaa looga dheereeyey, waxaana uu ku canbaareeyey labada nin ee la tartamaya in aysan Dimoqraadiyad waxba ka ogeyn ee nidaam beeleysan ay u ololeynayaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu la yimid dood ka duwan labada musharax oo kale oo ay ka muuqatey biseyl, deganaansho iyo dulqaad, dooda oo ahayd laba musharax oo weerar ku ah hal musharax ayuu si wanaagsan isaga moosey gantaaladii ay ku foorariyeen. Cabdiraxmaan Cirro waxaa dhibaato ku ahayd in uud adka deeqsiiyo aragtidiisa waxaana uu dad badan soo xusuusiyey Musharixii Jamhuuriga Dr Ben Carson sida uu hadli jirey.

SOMALI NEWS

To Top