WARARKA SOOMAALI

Daawo:Waftigii Mareykanka ahaa oo galabta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle iyo Madaxweyne Galaydh oo sii sagoontiyay-Video

Waftigii Mareykanka ahaa ee mudooyinkii la soo dhaafayba ku sugnaa magaalada Buhoodle ee Xarunta Khaatumo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Buuhoodle waxaana sagoontintii ugu balaadhneyd u sameeyay Madaxda maamulka Khaatumo State oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Bulsho weynta reer Khaatumo ee ku dhaqan Buuhoodle.

Waftiga ayaa ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Buuhoodle waxaa ay deeq daawo ah oo fara badan ku wareejiyeen madaxweynaha maamulka Khaatumo taas oo lagu dabiibi doono dadka Bukaanka ah ee uu soo ritay xanuunka Shuban Biyoodka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu danbeyntii waxaa Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Buuhoodle ka dhoofay waftigii heerka caalami ahaa ee maalmahanba xaalada u kuur galka iyo indho indhaynta ku joogay magaalada Buuhoodle waxaana ay si aada ugaga mahad celiyeen Madaxda Khaatumo sidii sharafta iyo maamuuska heerka sare ahayd ee ay usoo dhaweeyeen intiii ay Buuhoodle joogeen isla markaana u damaanad qaadeen Amaanka iyo guud ahaan Noloshooda.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top