WARARKA SOOMAALI

Daawo:Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo Karbaashay Madaxda Maamulada Galmudug,Jubaland iyo K.Galbeed-Video

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa wareysi uu bixiyay uga yaabsaday madaxda maamul goboleedyada dalka, isagoo ku tilmaamay kuwa aanan waxba utareyn bulshada.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah xubnaha taageersan siyaasada madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa sheegay in maamul goboleedyadu ay caqabad ku yihiin hormarka dalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Isagoo ka jawaabayay hadalkii ahaa in dowladu aysan dalka ka talin oo uu horey usheegay madaxweynaha Puntland, ayuu Salaad Cali sheegay in xataa maamuladu aysan ka talin deegaanadooda oo aysan meelaha qaar tegi Karin.

 

Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay shir deg deg ah Muqdisho ugu yeertay madaxda maamulada.

 

SOMALI NEWS

To Top