WARARKA SOOMAALI

Daawo:Beesha Habar-gidir oo soo Bandhigtay tiradda Dadkii uga dhintay Qaraxii Soobe-Video

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka beelaha Habar Gidir ayay kusoo bandhigeen dadkii uga dhintay weerarkii ka dhacay Zoobe.

Ku dhawaad 550 qof ayaa dhintay kadib weerar loo adeegsaday gaari tareelo ah oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Odayaasha beesha Habar Gidir ayaa sheegay in dadka beeshooda uga dhintay weerarkaas ay ka badan yihiin boqol qof.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in kuwa kale geeri iyo nolol lagu weysan yahay halka kuwa kalana ay dhaawacyo daran yihiin.

Dowlada Soomaaliya ayay uga mahadceliyeen gargaarkii ay usameysay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas ka dhacay Zoobe.

Inkastoo odayaashu sheegeen in dadka dhintay ay boqol kor udhaafayaan, hadana warar madax banaan ayaa sheegaya in ilaa 200 ay gaarayaan dadka beeshaas uga dhintay weerarkii Zoobe.

SOMALI NEWS

To Top