WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shirkii Caynaba uga socday Xubno ka kala socda Khaatumo iyo Somaliland oo soo dhamaaday iyo waxa ka soo baxay-Video

Waxaa Warbaahinta magaalada Caynaba Shir ku qabtay Xubno ka socday Khaatumo iyo Somaliland, Kuwaasi oo sheegay inuu soo dhamaaday Wadahadal Halkaasi uga socday, Inasktoo aan la sheegin Qodobo kasoo baxay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxayna sheegeen inay soo diyaariyeen Ajandaha Shirwayne loo dhan yahay oo Balantiisu tahay Bisha 16-keeda,
Labada Gudi Farsamo ee Khaatumo iyo Somaliland, Sida Hadalka loo dhigay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday Wadahadal u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo Kuwaasi oo ka dhacay Caynba, Itoobiya, Jabuuti iyo Hargeisa Ilaa iyo hadana aysan Jirin wax Rasmiya oo la isla meel dhigay, waxaana sidoo kale Shirka Loo balansan yahay ee Burco Xiligan kasoo horjeestay inta  badan waxgaradka deegaanada Khaatumo, Lamana Hubo siday u dhaqan geli doonaan Go’aamada Halkaasi kasoo baxa oo loo Badinayo Somaliland Cusub oo loo dhan yahay, Sida horey ay Labada dhinacba u sheegeen.

SOMALI NEWS

To Top