WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Maamulka Puntland oo Dowladda Somalia ku taageeray dhiibista Qalbi-Dhagax-Video

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Maamulka Puntland u qaabilsan xidhiidhka gobollada Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan ayaa markii ugu horraysay taageeray mowqifka ay ka istaagtay Dawladda Soomaaliya qadiyada C/kariin Qalbi-dhagax.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gurxan waxaa uu dhaleeceeyay ururka ONLF, Wuxuu Su’aal iska waydiiyey Cida ay Xoraynayaan, Wuxuuna sheegay inay Jabuuti, Waqooyi Barri Kenya iyo Kililka Shanaad ay ka socdaan Horumar aan horey loo gaadhin, Wuxuuna Sheegay in dadka Xiligan doonaya Soomaali-wayn ay Toban  Calan oo kala duwan wataan iyagu.

Wuxuu sheegay in Dawladda Itoobiya ay Caawinayso Soomaaliya, oo Ciidamo badan ka Joogaan, Wuxuuna sheegay in Hadii la Caawiyo ONLF ay Itoobiya iyaduna Caawin doonto Al-shabaab.

Ugu dambayntii wuxuu Baarlmaaanka  Soomaaliya  ku dhaliilay inay ku Mashquuleen Shaqo aan loo dirsan.

SOMALI NEWS

To Top