WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shiriif Xasan oo loogu baaqay in uu deg deg isku casilo kadib markii uu la saftay Xulufadda Sucuudiga-Video

Aadan Maxamed Nuur Saran Soor oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu baal maray Xeer hoosaadka Maamulkaas.

Sidaas daraadeed ayuu Aadan Saran Soor ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu iska casilo Xilka Hoggaanka Maamulkaas maadaama qodobo ka hor imaanaya hanaanka hogaamineed ee maamulkaas uu ku kacay sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Siyaasiga Aadan Saran Soor ayaa ka mid ah Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno ka soo jeeda Koofur Galbeed oo muddooyinkii dambe waday Ololo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulkaas.

Dhinacooda Ciidamada Ammaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa la amray in ay soo qab qabtaan Siyaasiyiin ka soo horjeeda Maamulka haddii ay kulamo ku yeeshaan Magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee Maamulkaas hoostaga taas oo ay caburin ku tilmaameen Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Olalahan ka dhanka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay hor boodayaan Siyaasiyiin caan ah ayaa u muuqda kii ugu ballaarnaa abid ee ka dhan ah Hoggaanka Koofur Galbeed.

 

SOMALI NEWS

To Top