WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shiriif Xasan oo Kismaayo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay iyo wuxuu yidhi-Video

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Maxamed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kismaayo u yimid ka qayb galka shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdiga Koonfur Galbeed oo horudhac u ah madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka dhawaan ka furmaya Kismaayo.

Waxuu sheegay in uu rajaynayo in shirkaas uu miro dhalo isla markana uu muhiim u yahay Soomaaliya wax badan oo jirana lagu dhamayn doono.

Madoobe ayaa sheegay in gogoshan ay tahay mid wada hadal oo lagaga shaqaynayo sidii tuhunada jira loo dhamayn lahaa isla markana aanay jirin cid loola dan leeyahay ama lagu dhibaataynayo.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dhankiisa bogaadiyay Jubbaland dadaalka ay ka gaysanayso nabadaynta iyo wada jirka umada isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiyahiisa Kismaayo wax badana uu shirkaas ka rajaynayo.

 

SOMALI NEWS

To Top