WARARKA SOOMAALI

Daawo:Roobab Mahiigaan oo Xalay maasheeyay Buuhoodle iyo Magaaladii oo Daadku kala Xidhay abaartii oo Adhaxda ka jabtay-Video

Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa Xalay ka Da’ay Roob Xoogan oo buuxiyey Magaalada iyo Daafaheeda, iyadoona uu horay uga Da’ay Roobku Deegaano badan oo ku Xeeran.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Roobkii Xalay ayaa kala xidhay Magaalada iyo deegaanada ku Xeeran Wadooyinka Looga baxo, Waxaana Buux Dhaafay Baraagaha, Baliyada iyo Goobaha kale ee Biyo Galeenka ah.

Waxaa ilaa Saaka Xili dheer Soconaya DIXDA  oo ah Togyar oo mara magaalada, Waxaana Shacabku ay Siwayn alle uga mahadinayaan Raxmaadka uu u shubay.

Buuhoodle ayaa waxay kamid ahayd Deegaanada Soomaalida ee ay ka Jirtay Abaarta Xoogan, Taasi oo alle ka dul qaaday, Waxaana Xusid Mudan in Roobku ii ka da’ay Dhamaan inta badan Goobihii ay ka Jirtay Abaartu oo ay ugu Darnaayeen Baydhaba, Mudug, Sanaag, Nugaal, Sool iyo Qaybo kale

SOMALI NEWS

To Top