WARARKA SOOMAALI

Daawo:Odayaal ku baaqay in Mucaaradnimada laga joojiyo Dowladda Farmaajo hal sabab darteed ogow-Video

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo mucaaradnimada lagu haayo Dowladda Soomaaliya oo wali aana jirsan muddo sanad ah.

Odayaasha ayaa sheegay Dowladda inay wax badan ka qabatay arimahya kala duwan, sidoo kalena la tiigsaday horumar.

Waxa ay sheegeen siyaasiyiin xil doon ah inay ka faa’iideysanayaan mucaaradnimada Dowldda Soomaaliya sida ay sheegayaan Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Xaad oo ka hadlay kulankii maanta Odayaasha ay ku yeesheen Muqdisho.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu dambeyn Odayaasha ayaa ku baaqay in aanan laga hor dhicin hadalka Dowladda ee ku aadan muwaadinka la sheegay in loo dhiibay Dowladda Itoobiya, lagana war sugo jawaabta Dowladda arintaasi ay ka bixinayso.

Muddooyinkaan dambe waxaa soo badanaya xubno siyaasiyiin kala duwan oo mucaaradaya Dowladda, kuwaasi oo Baraha Bulshada ku soo qoraya hadalo lidi ku ah dowladda.

 

SOMALI NEWS

To Top