WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maymuun oo ah Gabadh 9 jir ah kana soo Carartay Abaarta Ba,an ee ka taagan Somalia oo Muqdisho Dhac Farsameysan loogu gaystay-Video

Meymuun Nuur Axmed waa Gabar yar oo Sagaal sano jir ah oo iyada oo xabaarsan walaalkeed kala soo carartay Abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Waxaa dhac farsameysan u geysatay Haweeney la sheegay in ay isaga dhigtay Qof u sida Gar gaar, taasi oo ka qaadatay lacag yar oo ay heysatay, maadaama maalmahan gar gaar la gaarsiinayay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Meymuun iyo walaakeed oo hada ku jira xero barakacayaal ah oo ku taalla Degmada Kaxda ayaa xaaladooda waxa ay tahay mid adag, loona baahan yahay in gar gaar la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa sheegay in Haweeneydan ay Meymuun iyo Ayeeyadeed ka kaxeysay xerada barakacayaasha, iyada oo geysay Bakaaraha, lacag Sim-card ugu jirtayna kala baxday.

SOMALI NEWS

To Top