WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Amaro culus siiyay Madaxda maamulada iyo Sida ay u dareemeen Amarka-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho kulamo xasaasi ah kula qaatay madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa Maamulada kala hadlay arrimo ku aadan Abaaraha dalka, sidii uu xiriir fiican u dhex mari lahaa dowladda iyo Maamul Goboleedyada, sidii looga wada qeyb qaadan lahaa gurmadka Abaaraha.

Ujeedka ugu weyn shirkaan ayaa ahaa sidii ay maamul Goboleedyada uga dambeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya markii la tago, waxaa arrintaas guul weyn ka gaaray Madaxweyne Farmaajo oo ka dhaadhacsiiyey inay Maamul Goboleedyada noqdaan wafdi la socodo Madaxweynaha.

Haddaba arrintaan ayaa ka turjumeyso inay Madaxda Maamul Goboleedyada diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda cusub, sidoo kalana waxaa muuqato inuu Farmaajo doonayo inuu Maamul Goboleedyada u dhaqmaan sida uu nidaamka yahay.

Dowladdii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhibaato weyn ku qabtay Maamul Goboleedyada, waxaana inta badan soo muuqan jiray khilaaf ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Haddii xaaladda dowladda iyo Maamul Goboleedyada ay sii ahaato sidaan oo ay fuliyaan amarada dowladda waxay caddeyn rasmi ah u tahay inay dowladda Soomaaliya ka guul gaari doonto horumarka laga filayo.

Sida sharciga ah amarka ugu sareeyo waxaa iska leh dowladda dhexe, halka maamul Goboleedyada ay yihiin kuwa ka farcamo dowladda dhexe, waxaana heshiisyada caalamiga iyo shirarka Mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.

 

SOMALI NEWS

To Top