WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Xaaf“Caabudwaaq waxaan keenaya Madaxweyne Farmaajo,,-Video

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf   iyo wafdi uu hoggaaminayay  ayaa soo gaadhay degmada Caabudwaaq, halkaasii lagu soo dhoweeyay, waxaa socdaalkooda la sheegay inuu la xiriiro, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada degmada o dhowr jeer ay dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo beeleedyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kulan la qaatay,  iyagoo kala hadlay arrimaha nabadgelyada iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan degmada.

Waxaa uu isku dayayaa sidii odayaasha kaaba qabiilada deegaanka kala hadlo sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa, isla markaana maamulkiisa doonayo inuu dib u heshiisiin dhex dhigo.

Waa socdaalkii u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxo deegaanada maamulkiisa, tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray, wuxuuna sheegay inuu Caabudwaaq dhowaan keeni doono Madaxwayne Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top