WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne XAAF“Ahlu-suna ilaahay ha soo hanuuniyo Nagama fogee,,hadal Xasaasi ah-Video

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug laga doonaayo in ay fursad siiyaan tan iyo inta uu wada hadal laga galaayo ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in uusan soo dhisin wax wasiiro ah , asagoo aan soo gabagabeyn wadahadalada maamulka Ahlusunna .

Axmed Geelle Ducaalle ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda maamulka Ahlusunna in ay muujiyaan Tanaasul.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa amar ku siiyay Wasiiradii xukuumaddii Cabdikariin in ay si deg deg ah ugu laabtaan Xafiisyadooda.

Waxaa uu xusay in ay shaqeyn doonaan tan iyo inta laga soo dhisaayo Wasiirada cusub , isagoona xildhibaanada Galmudug ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Wasiiradaasi.

 

 

SOMALI NEWS

To Top