WARARKA SOOMAALI

Daawo:Caleema saarkii Madaxweynaha Galmudug,Khudbadii Madaxweyne Farmaajo,Gaas iyo Axmed Madoobe-Full Video

Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Glamudug lagu qabtay xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, iyo masuuliyiin kale.

Hadaba Halkan waxaan adinkugu soo gudbineynaa Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen Madaxdii ka qeyb gashay xafladda Caleemo saarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay marna reer Galmudug in uu yahay marna uu metelayo Caasimada Soomaaliya, oo ku metelayo dhammaan Soomaalida oo dhan.

“Galmudug iyo Banaadir bad iyo beri waa ay isku furan yihiinn, laakiin hada hawada ayaan soo marnay sababo amni ee jira , waana rajeynaya inaan isu gudubno mustaqbalka, dhisida Banaadir oo maqaam buuxa leh, waa shaqo u taal qofkasta oo Soomaali ah” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlawe) “Waxaan Madaxweyne Hambalyo Kaaga sidnaa Hirshabeelle iyo dhammaan shacabkii, aniga iyo wafdiga aan hogaaminayno”

“Xaqiiqdii sidaan wada ogsoonahay dalka Federaalka meel fiican ayuu marayaa, walow aan tebayno in Gobolka Banaadir uu dhiman yahay maqaamkiisii” Ayuu sidoo kale yiri Guudlaawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan “Soomaaliya dhibaato badan ayaa ka jirta, dadkoo dhan siday u badan yihiin ma ogi inay Puntland iyo Galmudug ka fakadeene, waxay dadku ku jiraan xabsi kor ka furan”

“kuwa Nabad diidka ah anaga runtii dhibaato ayey noo geysteen, Abaar way dhici jirtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waa mida ay iyaga noo geysteen” Ayuu sidoo kale yiri Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan Cadaado joogo oo maanta caleemo saar loogu qabtay Madaxweynihii aan u maleynayo inuu Madaxweynayaasha ugu da’weynaa.

“Waxaa guulweyn ah in la wada joogo oo saaka aan lalaheyn Puntland iyo Galmudug ayaa kala jooga, oo maanta halkan hoolka ah lagu wada jiro, Reer Mudug waxay dhahaan 20-jir Mudug jooga ilaahay ceebtiisa ma asturo”

“Xafladda Caleema saarka waxaa ka muuqda tusaale fiican oo nabadeed, Xaaf waxaan kula dar daarmaya maanta masuuliyada adigay ku saaran tahay, walaalaha Dhuusa-mareeb qofka la rabo inuu u tago gogosha dhigo waa adiga” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) “Sharaf ayey nootahay aniga iyo wafdigayga inaan soo ajiibno casuumaadii aad noo fidiseen, ee ah inaan ka soo qayb galno xafladdan, mudanayaal iyo marwooyin anagu hadaanu nahay Puntland waxaan maanta dalbeynaa, Galmudug oo gudaheeda iyo dibaddeeda nabad lagu wada noolaado.

“Xaaf maalintii la doortay ayuu sheegay, nabada iyo dib u heshiisinta anaguna gacan ayaan ka siinaynaa, Puntland iyo Galmudug wax badan ayey wadaagaan Ganacsi iyo sokeeye iyo isu socod, si taasi u hirgasho waa in colaada la joojiyo, xuduudaha sharciga ahna la ixtiraamo, siyaasiyintana ay ilaaliyaan nabada Gobolka”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) “Anigu halkan waxaan u imid inaan dib u heshiisiin sameeyo, waxaan u imid dhibaatada ka jirta gudaha Galmudug iyo dibadaba inaan xal u helo.

“Waxaa jira dad Abaaruhu saameeyeen Galmudug, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka iyagana waxaan ugu baaqayaa in ay gacantooda ka geystaan dadka Abaaruhu saameeyeen, sidoo kale xalay waxaa isoo wacay dhallinyaro Soomaaliyeed oo 118 ah oo Hindiya ku xiran, 8-sano ayey xiran yihin, fariintaasi waa idin sheegay wax ha laga qabto, aniguna diyaarada lagu soo qaadayo ayaan bixinaya”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) “Markii aan rabnay inaan heshisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga na heshiiisiiya, markaan heshisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug

Marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa ka dibna aanu keeno Ahlusunna”

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top