WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo,,“Waxaan bilaabaynaa howl gal ka dhan ah Al-Shabaab”-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  C/llaahi Farmaajo ayaa saaka salaadda ciidul Adxa Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan ay labilaabi doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga saarayo Shabaab,madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda F. S. si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

 

SOMALI NEWS

To Top