WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Somaliland oo ku cadho Burburay Kalsan Tv kadib markii shalay Muuse Biixi Laascaanood laga saaray-Video

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cusmaan Saxar-diid Cadaani ayaa soo saaray Wareegto uu deegaanada Maamulka Soomaaliland kaga Mamnuucayo Telefishinka Kalsan waxaana la xiray Xarunta TV-ga ee Magaalada Hargeysa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Cadaani ayaa sheegay in Telefishinka uu warar been ah ka sameeyay isku soo baxyo Shalay lagu taageerayay  Muuse Biixi oo shalay Laascaanood ka dhacay kaas oo markii dambe Rabshad isku badelay kadibna sababay in Muuse Biixi isaga baxo Magaalada.

TV-ga Kalsan ayaa  baahiyey Rabshadii shalay ee Muuse Biixi ka raacday Laascaanood,taas oo sababtay in Maamulka Somalind xidhaan Tv-ga. Halkan ka daawo Video-gii Rabshada Muuse Biixi Wariyaasha ku sugan Soomaaliland ayaa looga digay in ay warar ka diraan Deegaanada Maamulka Soomaaliland wariyihii ka darina laga qaadi doono Talaabo adag sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta eeMaamulka Soomaaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top