WARARKA SOOMAALI

Daawo Murugadda:Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland oo fal naxdin leh iyo Kufsi Kula kacay Gabadh yar oo 16-jir ah-Video

Ehelada Faa’iso Cabdi Xaye oo ah gabadh 15-Sanno jir ah ayaa sheegay in gabadhooda uu nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Warsame Ahmed (Sanka)  oo ka tirsan  Ciidamada Puntland 27 October 2017 uu isku da’yay in uu ku kufsado magaalada Bosaaso oo aan ahayn deegaanka rasmiga ah ee Faaiso.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Kadib isku day difaac nafteeda ah oo ay samaysay Faaiso Cabdiqaadir wuxuu xubinta taranka kaga dhuftay Xabad, Halka uu Wejiga uga dhaawacay Baastoolada,  Waxayna taasi sababay in dhaawac xun oo Faa’isa ka soo gaadhay qaybta Hoose ee Jidhka iyo xubinta taranka.

Gabadhan yar oo Xaalad khatar ah ku jirta waxaa loo soo qaaday Magaaladda Muqdishu si ay daryeel caafimaad u hesho, Waxaana Xaaladeeda ka hadlay Waalidka dhalay iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda.

SOMALI NEWS

To Top