WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe oo weerarkii Af-urur kula dul dhacay Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya-Video

General Saciid Dheere, oo ah Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay tuulada Af­urur ay ku dileen 25 dagaalyahanno oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, Iyadoona al-shabaab ay sheegteen inay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidamad Puntland.

Taliyaha oo la weydiiyay waxa ka jira in Shabaabka ku sugan Deegaanada Puntland, ay ka soo gudbaan kontoroolada ku yaala Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, ayaa sheegay in badankoodu ka yimaadan Koonfurta Somaliya, waxna ay soo maraan Deegaanada Somaliland.

“Dadkan sida ay u badan yihiin Koonfur bay ka yimaadan, Waqooyina waa soo maraan. Waxna Waqooyi Galbeed bay ka yimaadan, waxna waxay ka yimaadan Koonfur oo Waqooyi Galbeed bay soo maraan. Waxna waa suurtagal Puntland laftigeeda inay meelo ka mida soo maraan.” Ayuu yiri Taliyaha.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Su’aal ahayd sida ay Shabaabku ugu suurtagashay inay ka gudbaan kontoroolada Puntland, iyagoo gaadiidka saaran, ayaa waxaa uu sheegay inaanay jirin cid ay wejiga uga qoran tahay inay Shabaab tahay.

“Qof Shabaab wejiga kaga qoran tahay ma jiro, waa uun Soomaali yaaceysa, Soomaalina waa abaareysan tahay, waa dhiban tahay, waa wax la’dahay, waa tahriibeysaa, waa carareysaa. Marka in nin dhiban lagu tacadiyana runtii aad baa looga taxadaraa, laakiin maaha amni xumo qaridaariso ka jirta Puntland, ciidamadeeda iyo meelaha la marayo, midna.” Ayuu yiri General Saciid Dheere.

 

SOMALI NEWS

To Top