WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Galmudug oo ku dhagan Xildhibaanadii Muqdisho uga yimid Xalinta xiisadda ka dhextaagan Maamulkaas-Video

Madaxweyne Ku Xigenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa beeniyay warar sheegayay in xildhibaanada baarlamaanka ay xilka ka qaadeen isaga iyo Gudoomiyihii Baarlamanka Cali Gacal Caasir.

Carabey ayaa sheegay in uusan jirin baarlamaan kulmay oo uu ka warqabo marka laga reebo sida uu sheegay dad rayid ah oo inta la isugu keenay madaxtooyada oo lagu sheegay in ay yihiin xildhibaannadii baarlamanka, Wuxuuna sheegay in uusan jirin baarlamaan kulmay oo uu ka warqabo marka laga reebo sida uu sheegay dad rayid ah oo inta la isugu keenay madaxtooyada oo lagu sheegay in ay yihiin xildhibaannadii baarlamanka.

Madaxweyne ku xigenka la waydiiyey inuu hortaagay wada hadal lagu dhameyn lahaa khilaafka madaxda Galmudug oo ay xildhibaano ku guda jireen, ayuu sheegay ineysan Wax dantooda ah u wadin xildhibaanadii dhawaan ka yimid Muqdisho,

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu xusay iney u soo jeediyaan in uu laaluush qaato oo arinta lagu dhameeyo wada xaajood, Taasina uu ka diiday, Wuxuuna sheegay ineysan marnaba xal u arag in Lacago lagu qaato masiirka umadda, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey,

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmayo xilli muranka siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedka Galmudug uu cirka isku sii shareerayo, iyadoo fashil uu ku yimid waanwaan laga dhex waday dhinacyada isku haya siyaasadda maamulkaasi.

SOMALI NEWS

To Top