WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khudbadihii Madaxda Maamul Gobaleedyaddu ka jeediyeen Shirkii Muqdisho,Maxay isku raaceen,maxayse ku kala duwan yihiin-Video

Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada dalka ayaa  si toos ah uga bilowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab, dib u eegista Dastuurka, Dardargelinta Hanaanka Federaalka, Daadajinta Hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhaqan islaamka aanay shaqo ku laheyn baroor diiq la sameeyo iyo daqiiqado la aamuso, waxaa uu tilmaamay in la iska dhaafo oo si toos loo wajaho cida ay is hayaan oo ah Shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO MADOOBE

Waxaa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab aan looga guul kaari karin, maryo cas oo madaxa lagu xirto, isla markaana ay u baahan tahay dagaal dhab ah oo dowlad iyo shacab loo kala harin.

 HALKAN RIIX DAAWO VIDEO GAAS

Waxaa sidoo kale Halkaasi Khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey Madxwaynaha maamulka Hirshabeelle.

HALKAN RIIX DAAWO KHUDBADA AWARE

Waxaa isaguna Arimo dhowr ah ka hadlay Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaada.

HALKAN RIIX DAAWO KHUDBADA SHIRIIF

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxwyanaha maamulka Galmudug ayaa Isaguna Halkaasi kasoo jeediyey Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa.

HALKAN RIIX DAAWO KHUDBADDA XAAF

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu

SOMALI NEWS

To Top