WARARKA SOOMAALI

Daawo- Ethiopia oo jabisay heshiiskii ilaalinta Qaranimada iyo Midnimada Somalia+Nuqul ay Somaliland u dirtey-VIDEO.

Dowladda Itoobiya ayaa Hambalyo ay Buunbuunin iyo jees-jees ka muuqdo usoo dirtay maamulka Soomaliland Gen. Berha Tesfaye oo ah Qunsulka Dowladda Iyoobiya u fadhiya Hargeysa ayaa warqad uu soo diray wuxuu soomaaliland ugu hambalyey maalinta 18-ka May oo ay u asteesteen maalintii ay Soomaalia inteeda kale ka go,een.

Gen. Berha Tesfaye ayaa yidhi“Waxaa jecelahay inaan si diiran ugu hambalyeeyo shacabka iyo dowladda Somaliland, maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May”halbalyadda Itoobiya ee ku aadan Maamulka Soomaaliland ayaa imaanaysa xili Maamulka Soomaaliland uu Dekedda Weyn ee Berbers 19% ay ku wareejisay taas oo Umadda Soomaaliyeed u wada arkeen wax aan suura gal ahayn isla markaana ay Soomaaliland wado Khaldan u martay Khayradka iyo Hantida umadda Soomaaliyeed,Sidoo kale Itoobiyana ay wado xadgudubyo wa weyn oo ka dhan ah Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO HABLAYADA ITOOBIYA XOG KU SAABSAN

Heshiiska Itoobiya ee Dekkeda Berbera itoobiya Saamiga weyn loga siiyey kadib Dowladd Itoobiya ayaa shalay war qoraal ah iyo Sawiro warbaahinta lagu soo daabacay waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay Maamulka Soomaliland Guri Addis ababa ku yaal ku wareejisay kaas oo ay ugu tala galeen in ay Safaarad ka dhigato Somaliland taas oo u muuqata in Itooboiya ay xoojinayso Xidhiidhka ay la leedahay Somaliland halka ay ka baxayso Heshiiskii Caalamiga ahaa ee uu Ra,iisul wasaraha Itoobiya kol hore la galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

HALKAN RIIX DAAWO HESHIISKII FARMAAJO IYO ITOOBIYA

SOMALI NEWS

To Top