WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ismaaciil Cumar Geelle oo Xaalada adag ee Somalia kusoo qaatay Khudbadiisa Shira Jaamacadda Carabta-Video

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa khudbad aan caadi aheyn ka jeediyay shirka jaamacada Carabta ee dalka Urdun magaaladiisa Camaan ka dhacay.

Laakiin dad badan oo filayay inuu ka hadlo xaalada Jabuuti iyo doorkeeda Jaamacada Carabta ayaa waxaa uu qudbadiisii si gaar ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Ismacil Cumar Geelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub iyo isbadal siyaasadeed kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo isagoo dalbaday in la garab istaago Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhanka kale waxaa uu si dheer uga hadlay abaaraha Soomaaliya oo uu sheegay in haatan ay ka gudbeen heerkii la filayay.

SOMALI NEWS

To Top