WARARKA SOOMAALI

Daawo- ardeygii Imaaraadku Tartanka Quraanka ka soo Eryey oo ka waramay sida wax u dhaceen-VIDEO.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la imaaneysa dhaqamo cusub oo muujinaya halka ay ka taagan tahay xiisada kala dhaxeysa dalka Qatar.

Imaaraadka ayaa masaafurisay ardeygi  Soomaaliya uga qeybgalayey , tartankii Quraanka ee dalkaasi ka socday, tartamihii metalayay Qadar isaga looma ogolaanba inuu tartanka galo, halka Ismaaciil Bakistaani oo Soomaaliya metelayeyna loo diiday abaalmarintii, lana amray inuu dalka ka baxo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madar , oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee uu kasoo dhoofayey, wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay sida wax u dhaceen, wuxuu sheegay in mar walbo dareen jiray, laakiin markii wafdiga Qadar tegay Soomaaliya, ay sababtay in abaalmarintiina loo diido, wadankana laga saaro.

Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka u dhexeeya Qadar iyo wadamada sacuudiga iyo imaaraadku hogaaminayaan.

Laakiin Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa go’aanka Soomaaliya u arka mid u daneenaya Qadar, waxaana isa soo tartaya , cadaadis dhinacooda kaga imanaya dowladda Federaalka, hadana aad moodo inuu u gudbay shacabka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top