WARARKA SOOMAALI

Daawo:Haween dhibaato xoog leh kasoo gaadhay Banaanbixii Farmaajo ee shalay iyo sida aysan Madaxdu uga war qabin-Video

Qaar kamid ah haweenka magaaladda Muqdisho ayaa sheegay iney si weyn ugu dhibtoodeen banaanbaxii lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay garoonka Koonis ee magaaladda Muqdisho.

Haweeney Uur leh ayaa dhimatay, laakiin waxaa goobta ku suuxay ku dhawaad 40 Haween ah kuwaas oo ubadnaa kuwa uur leh.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in haweenka ugu badan ee suuxay ay ka yimaadeen degmooyinka Waaberi, Kaxda, Yaaqshiid iyo deegaano kale.

Qaar kamid ah haweenkii banaanbaxaas ka qeyb galay ayaa si faah faahsan uga hadlay sababta keentay iney iyagoo xanuunsan haween kale usoo ka xeeyaan banaanbaxaas.

 

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa banaanbixii Muqdisho kusoo aadiyay xili lagu jiro bil ramadaan sidoo kalana si weyn ay ujirtay qorax taas oo keentay in haween badan ay daataan oo ay dhacaan.

 

SOMALI NEWS

To Top