WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Maamulka Garoowe waxa kala haysta,Ragii Qaraxyada Boosaaso-Video

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay dadka leh Gaadiidka ka baxa Gobolka Hiiraan in ay Koontoroolaan waxyaabaha la saarayo Gaarigooda kadib markii dhawaan Gaari ka baxay Magaalada Baladweyne kaas oo lagu qabtay Boosaaso isagoo ay ka buuxan waxyaabaha qarxa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in  Ganacsatada Gobolka hiiraan iyo Milkiilayaasha la doonayo In ay ka fikiraan cida ay masuulka uga dhigayaan Gaarigooda,balse looga baahan yahay in dadkaas ay ilgaar ah isaga eegaan si aan waxyaabaha qarxa loogu dhex qarin.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii waday inay sii daayaan maadaama uu sheegay ragaas inaysan ku lug laheyn arintaasi oo iyaga xitaa la khayaanay, wuxuuna si gaara u codsaday inaan la maxkamadeyn.

Hadalka Cali Jeyte Cismaan ayaa ku soo aadaya xili Milkiilihii lahaa Gaarigii dhawaan qaraxa lagu qabtay ee Magaalada Boosaaso uu sheegay in uusan wax ka ogeen qaraxa Gaarigiisa la saaray.

 

SOMALI NEWS

To Top