WARARKA SOOMAALI

Daawo:Fariintii uu Xasan Daahir Aweys Farmaajo usoo diray iyo Sida ay u sameysay,Warbixin Xiiso badan-Video

Waxaa Muuqaal soo duubay Sh. Xasan Daahir Aways, oo kasoo mid noqday Urur diimeedyo kala duwan, Hadana Dawladda Soomaaliya ay ku hayso Xabsi Guri,  Muuqaalkan wuxuu ku sheegay inuu yahay fariin ku socota Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wuxuu ku bilaabay duco uu ku sheegay in ay tahay tan ugu fiican oo ugu duceyn lahaa Madaxweynaha taas oo ah:  Allaha ku hanuuniyo,  Dadkana  ha kugu hanuuniyo,  – iyagana ha kuu soo hanuuniyo.

2 CADOW :  Intaas ka dib wuxuu fariintiisa ku bilaabay, waxaad u dhexeysaa 2 qatarood mid shisheeye iyo cadow dagaal kaala soo horjeeda oo gudaha ah, waxaana lagaaga fadhiyaa inaad la timaado siyaasad aad labadaas qatarood uga badbaadi karto dalkana uga badbaadin karto.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

DADKA SOOMAALIYEED : Sida aan kaa dhageystay dhowr jeer adiga oo sheegaya, dadka Soonaaliyeed waa dad wanaagsan oo dhiiran oo damiir iyo dadnimo leh cilada heysta waa gumeysiyihii oo wadada ka lumiyay iyo dowladihii dalka soo maray oo aan sidii saxda aheyd uga shaqeyn dowladnimada Somalia iyo daalkii iyo rafaadkii oo ku dheeraaday taasina waxay keentay in uu jahawareer ku dhoco

SABABTA LAGUU TAAGEERSAN YAHAY : Wuxuu sheegay in sababta guusha Farmaajo keentay ay tahay 2 arimood tan koowaad oo ah shaqadii fiicneyd ee uu qabtay markii uu Raisal wasaaraha ahaa iyo sidii foolxumada aheyd ee loola dhaqmay.

Wuxuu ku daray in labadan qodob aanay wax badan ka anfici karin Madaxweynaha oo ay yihiin wax aan cadiifad ka xooganeyn.

DADKA KUGU WAREEGSAN : Wwalaaloow dadka ku wareegsan ama ku wareegsanaan doona waa dad adiga wax kaa raba, dadkii qiimaha lahaa adiga waxba kaama rabaan dalka ayay joogaan, gaxan dhaaf kuwa kugu hareereysan oo toos ula macaamil dadkaas sababta oo ah ma ahan dad raba in albaabada Madaxda istaagaan ama maal iyo mansab toona kaa raba

“Waxaan kaala dardaarmayaa labbo arimood oo dowladnimada u xun Baqiilnimo & Cabsi, kuma aqaan laakiin tan hore ma kaaga baqayo laakiin tan danbe ayaan kaaga baqayaa, walaaloow alle kaasho oo ha baqin raganimadii lagugu bartay haka beyrin nin cabsada dal ma maamulo”

SOMALILAND & ALSHABAAB:  ” Waxaan rabaa inaan kuu soo gudbiyo 2 arimood oo aan dhageystay adiga oo dhowr jeer ka hadlaya, mid waa Somaliland midna waa Alshabaab.

“Dhowr jeer ayaan dhageystay adiga oo ka hadlayo walaalaheen Somaliland la baxay inaguna aan waqooyi u naqaan runtii aad ayaan u jecleystay sida aad uga hadashay waana kaaga duceynayaa, anigu waxaan ogahay qaladka ugu weyn wuxuu dhacay 1960, markii la galay heshiiskii midowga labada gobol ayay aheyd in waqooyi iyo Koofur loo qeybsado sidaas lama yeelin ee waxaa qeybtii laga dhigay IRIR & HAWIYE ( Aden Cade, Abdirashid, Cigaal) waxaana madaxweyne qaatay Irir qaladkii maalinkaas bilowday ayaana weli lagu jiraa”

” Laakiin arinka aan kugu diidanahay waa in Alshabab aanay dowladnimo rabin, Haa way rabaan laakiin farsamaduna waa ka qaldan tahay hoggaankuna waa ka qariban yahay, tusaale in qof kasta oo bulshada waxtar u leh in la dilo meelna diinta ugama taalo, aduunkana dowladnimo aan dagaal lagu raadin ma jiro waxaana tusaale kaaga filan Goerge Washington iyo Malcom X, taas waxaa kuu dheer in wadaad oo dhan uu xukun rabo tusaale kale waa nimankan Gobollada dhexe jooga ee Ahlu Sunnah la baxay”

MOHAMED SIYAAD BARRE : Qofina kama shakisana inuu Maxamed Siyaad wadani ahaa ragonimana waa loo wada qirsan yahay, kolayba anigu waan u qirsanahay, waxaa tusaale fiican ah sida uu u maamulay abaartii 1974 xitaa waxaan xasuustaa isaga dibada ku maqan ayuu yiri ma aqbali karo in qof Somali ahi gaajo u dhinto waaba la ogaa wixii uu sameeyay laakiin dhibku wuxuu ahaa inuu diintii ka beyray oo uu shuuciyad keenay, waxaan ogahay in aan maalin 4 saacadood nin ka doodeynay ilaaheey wuu jiraa iyo ma jiro.

GUNAANAD :  “Anigu 1968 ayaan bilaabay inaan raadiyo in dalkaan diin lagu maamulo, dadkuna noqdaan dad diinta alle u nool una dhintaan, maalin waxaa Harar noogu yimid Cali Samantar waxaan ku iri inaan dhimano soo ma rabno? Hanti soo ma aanan bixin? Hadii ay sidaas tahay aan ku heshiino in waxa aan u dhimaneyno aanay qowmiyad noqon ee ay diinta alle noqoto.

Dalkaan gaari qaldan ayaa la saaray Walaaloow Farmaajoow waxaan kula dardaarmayaa in gaarigan Kismaanyo ka yimid ee waqooyi iyo Gaalkacyo u socda aad gadaal u celiso oo aad diinta nugu maamusho anigu horay ayaan u sheegay gaarigaas inaan horay ka fuulo oon darwal ka noqdana ma rabo inaan gadaal ka fuulo oo aan dowlad aan diin ku dhaqmeyn raacana ma rabo ilaaheey ayaan kuu baryayaa inuu garabkaaga galo oo uu kaaga gargaaro labada cadow ee aad u dhaxeyso”.

SOMALI NEWS

To Top