WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ugu deeqday Hub casri ah iyo Tayadda Hubkan oo Dalal badan ka yaabisay-Video

Dowlada Turkey ayaa xoojisay taageerada ay siineyso dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Turkey oo gacanta ku haya ilaha dhaqaalaha Muqdisho ayaa dhawaan waxaa uu saldhigii ugu weynaa ka furtay magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO

Sidoo kale, Turkey ayaa sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, waxaana arintaas ay jawaab uga bixiyeen hub ay siiyeen dowlada SOomaaliya.

Hubkan oo ubadan qoryaha dagaalka ayaa ay dowlada Turkey sheegtay in lagu qalabeynayo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Inkastoo Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateynta hubka, hadana Turkey ayaa arka in ciidamada amaanka ay ubaahan yihiin hub ay amaanka ku xaqiijiyaan.

 

SOMALI NEWS

To Top