WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Farmaajo oo qaadaysa Tallaabo ka cadhaysiin doonta Gaas,Axmed Madoobe iyo Shiriif-Video

Cabdi raxmaan Ducaale Beyle oo ah Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Go’aan aysan soo dhaweyn doonin Maamul goboleedyada dalka, Maadaama uu sheegay in Canshuuraha si wadajir loo qaadi doono Dowlada Soomaaliyana ay maamuli doonto.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Beyle ayaa ayaa sheegay in 10-Bishaan shir uu ka dhici doono Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeyn gali doonaan dhamaan Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha laga qaado Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo iyo Magaalooyinka kale.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa arintaan ku sheegay inay sabab u noqon karto in Soomaaliya ka maaranto beesha caalamka oo ay weydiisato deeq taas oo aan inta badan la helin balse la sameeyo Balanqaadyo been abuur.

SOMALI NEWS

To Top