WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal Khadhaadh oo hada ka soconaya Gobalka Galgaduud iyo Ciidamada Liyuu Booliska oo Xasuuq Shacab wada-Video

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Kaxandhaale iyo Godax ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliis ee laga leeyahay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Kilinka Shanaad iyo dadka deegaanka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ilaa iyo hada waxaa la og yahay inay geeriyoodeen Afar qof halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Dagaal oo muddo socday ayaa ilaa iyo hada la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa,balse dhowr jeer ayay dagaalameen Ciidamada Liyuu Booliis iyo dadka deegaanka.

Agaasimaha War-Baahinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal ayaa sheegay in la qoonsaday Ciidamadaas xasuuq iyo dagaal la galay dadka deegaanka wuxuuna sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Itoobiya sidoo kale wuxuu faah faahin ka bixinayay Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaladaas.

SOMALI NEWS

To Top