WARARKA SOOMAALI

Daawo:Donald Trump wuxuu Doonayaa in uu la kulmo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un-Video

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu la kulmo Hogaamiyaha mayalka adag si weyna looga neceb yahay meelo badan oo dunida kamid ah Kim Jong Un.

Wareysi Madaxweyne Donald Trump uu siiyey maalintii shalay Telefeshinka Bloomberg, ayuu ku sheegay inay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi hadii uu helo waqti ku habboon.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa wareysi kale uu siiyay Telefishinka CBS ku amaanay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, waxa uu ku tilmaamay Kim Jong Un nin xariif ah oo xilka dalkiisa qabtay isaga oo aad u yar kana bad baaday mar xalado kala duwan.

“Isagoo 26-sano jir ah ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump

Madaxweyne Trump ayaa hadalkan sheegay xili maalmo yar kahor uu ka dhawaajiyay in uu ka fekerayo tilaabo milatari uu ka qaado Waqooyiga Kuuriya oo ku mashquulsan tijaabinta gantaalada ridada dheer ee xambaari kara hubka nukliyeerka.

SOMALI NEWS

To Top