WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dil argagax leh oo maanta ka dhacay Duleedka Bari ee Laascaanood iyo Nin isaga oo Meyd ah Gaadhi laga dhex helay-Video

Magaalada Laascaanood ee G/Sool Duhurnimadii maanta waxaa Duleedkeeda Bari laga soo qaaday Nin Meyd ah oo si argagax leh dil loogu geystay Gaadhi dhexdii ismarkaana Gaadhiga Dhexdiisa isaga oo Mayd ah lagaga tagay iyadoo aan la aqoon cid dil kaasi geysatay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ciidamada Amniga Maamulka Soomaaliland oo goobta gaadhay ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin waxaana ay soo qabteen Nin Oday ah oo Goobta falku ka dhacay ka ag dhawaa iyaga oo sheegay in ay Baadhitaano wadaan.

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa aad uga argagaxay Dhacadan oo ay sheegen in ay tahay mid ku cusub Guud ahaan Gobalka isla markaana ay tahay mid aad looga naxo.

Wararka [email protected]

SOMALI NEWS

To Top