WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal Khadhaadh oo maanta ka dhacay Beladweyne Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay iyo kala Carar ka jira Xaafadda-Video

Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geestay ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay msuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka hiiraan oo uu horkacayay gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka hiiraan iyo Maleeshiyaad hubeysan waxaana dagaalka intiisa badan uu ka dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne…

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wariye ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in dagaalkaaas uu ku geeriyooday Hal Askari oo Ciidamadii dagaalmay ah halka laba qof oo uu mid kamid ah yahay Shacab uu ku dhaawacay.

Dagaalka ayaa xiliga uu dhacayay ayaa waxa Ciidamada dowladda Somaaliya ay wadeen howlgalo lagu xaqiijinayo dhanka amniga ah,waxaana howlgalkooda ka hor yimid ciidamo hab beeleed u abaabulan taas oo keentay in ay wada dagaalamaan.

SOMALI NEWS

To Top