WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal ka dhaca Sool iyo Sanaag Puntland waa u fursad,Somaliland waa ku Dhabar jab,Warbixin Xasaasi ah-Video

Wakhti xaadirkan Maamulka Somaliland wuxuu ku jiraa wakhtigi ugu xasaasi sanaa ee soo mara todobadii sano ee lasoo dhaafay mana jirto maanta wax ay uga baahi badan yihiin nabad galyo iyo jawi nabdoon oo ay ku qabsadaan doorasho uu qof kastaa kaadhkisa ku doorto Musharaxii uu u arko in uu samatabixin karo Maamulka Somaliland sidaas darteed Soomaliland ma awoodo dagaal iyo carqalad hor leh oo xiisad iyo kala kac ku abuurta Doorashadu in ay habsami uga dhacdi waydo gaar ahaan deegaanada Xiisadu ka taagan tahay hadda oo inta badan Maamulka Somaliland uu ka waday Olale xooggan halkas oo maanta ay baaqi uga yihiin boqolaal cod oo lagama maarmaan ay tahay in ay nabad ku codeeyaan.

Marka ay sidaas tahay Somaliland aysan colaad u baahnen in kasta oo ay ku goodisay in ay difaaci doonta Goobaha doorashada iyo deegaanada lagu muran san yahay hadana waa hadal afka ah uun ee waxaa cad in aysan Somaliland Dagaal diyaar u ahayn hadii ay gashana waxaa halkaas kasoo gaadhay lumitaanka Fursad qaaliya iyo ibadel ku yimaada nadaamkii siyaasadeed ee deegaanada Sool iyo Sanaag.

Maamulka Puntland ayaa isagu madax iyo Mijaba isku raacsan in Puntland ay difaacdo oo aysan ogalaan in ay doorasho ka dhacdo deegaanada Sool iyo Sanaagta Fog ee Haylaan.Puntland ayaa dagaalka iyo difaaca ay iclaamisay wuxuu maanta u yahay fursad taas oo ay qalqal ku galin karto doorashada Maamulka Somaliland oo iyadu intii ay soo socotay aan la kulmin Caqabado siyaasadeed oo saas u weyn marka laga reebo xiisadan soo cusboonaatay ee maanta taagan.

Puntland ayaa la is waydiinayaa sababta maanta ay iskugu wada raacday in ay ka hor tagto doorasho ka dhacda deegaanada ay ugu yeedhay Xuduudka,waxaana kale oo la is waydiinayaa sababta ay Puntland haddii ay Sool iyo qaybaha sanaag ee aysan gacanta ku hayn ay dagaal ku qabsanayso maxay horay ugu qabsan wayde,oo wakhti xaadirkan kusoo beegay?

Halkan ka daawo Baarlaamka Puntalnd iyo Sool

Marar badan Puntland way sheegta in ay Laascaanood dagaal ku qabsanayso oo Madaxweyne kasta oo soo mara maamul Kaas wuxuu ku olale galaye in uu Laascaanood gacan bir ah kusoo celin doono waxaana ugu danbeeyay madaxweynaha Hadda Maamulkaas gadh wadeenka ka ah Cabdiweli Gaas oo kolkii uu Musharaxa ahaa iyo markii saas loo doortayba fagaare ka yidhi,,Laascaanood faataxo laguma qabsan lagumana haysan doono,, balse wax ka soo naaso cadaaday lama arag oo waxay noqotay jarjar qabsashada laascaanood ee Puntland ay siyaasiyiintu kursiga kusoo koraan.

Halkan ka daawo jawaabta Somaliland

Puntland hadaba maanta maxay doonaysa ,waa maxay sababta wakhtigan ay u leedahay Sool iyo Sanaag dagaal ayaan ku difaacaynaa? su,aashaas haddii qof kasta oo wax garad ah ama Siyaasiyu uu si cad uga jawaabo Puntland ujeedkeeda maaha xoreen iyo difaac xuduudeed ee waa carqaladeen iyo in ay rabshad ka abuurto doorashada Maamulka Somaliland ee Maalmuhu ka hadheen.

Horufadhi Media.com

SOMALI NEWS

To Top