WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo maanta ka qarxay Gobalka mudug iyo warar dheeri ah-Video

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Qurac-Gaashaan oo dhaca waqooyi bari Gobolka Mudug, iyadoo dad ku dhaawacmay dagaalkaas la geeyay magaalada Gaalkacyo.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana xiisadan ay aheyd mid mudooyikii u dambeeyay soo jiitameysay.

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana saameyntiisa laga dareemay magaalada Gaalkacyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Deegaanada lagu dagaalamayo ayaa ah deegaan oomane ah ayaa waxaa in muddo ah ka jiray muran la xiriira ceel biyood u dhaxeeya.

Waxaa socda waan waan la xiriira sidii dagaalka loo joojin lahaa, iyadoo waxgarad iyo culumaa’udiin ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka maleeshiyo beeleedyada u dhaxeeya.

SOMALI NEWS

To Top